Munaasabada daahfurka Tartanka Kubada Cagta ee isdhexgalka Bulshada iyo ka wacyi galinta Qatarka Gudniinka Fircooniga ayaa lagu qabtay Garoonka Caasimada Dhuusamareeb.
Halkaan ka daawo Muuqaalka oo dhammaystiran:-
Hay’adda Ifrah Foundation oo taageero ka heshay hay’adda UNFPA ayaa tartan kubadda cagta ka daahfurtay magaalada Dhusamareeb.
Tartankan oo ujeedkiisu yahay wacyigelinta joojinta gudniinka Fircooniga ah ee hablaha iyo dhiirrigelinta dhaqanka bulsho ee wanaagsan, ayaa waxaa ka qaybgalay kooxo kala duwan oo Kubada cagta ah.