Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeyb galay munaasabadda calan-saarka ee habeenka 1-da Luuliyo, taas oo lagu xusayay 64 sano guurada xornimada Gobollada Koonfureed iyo midowga Labadii Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Xuska 1 Luuliyo ayaa ka dhacday Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir oo ah halka laga taagay Calanka Xoriyada Gobolada Koonfureed iyo Midowga Israacii Labada Gobol, Munaasabaddan oo ah mid qiimo weyn u leh shacabka Soomaaliyeed, ayaa waxaa lagu xusaa maalintii ay gobollada koonfureed ee Soomaaliya ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga sanadkii 1960-kii, isla markaana ay midowga sameeyeen gobolladii Waqooyi oo iyaguna ka xoroobay gumeystihii Ingiriiska isla sanadkaas. Xuskan wuxuu astaan u yahay halgankii dheeraa ee ay dadweynaha Soomaaliyeed u soo galeen helitaanka xorriyadda iyo midnimada, iyo sidoo kale horumarka iyo nabadda ay hiigsanayaan maanta.
