Muqdisho iyo Ankara oo mataanoobaya.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Ankara ee Caasimadda Dalka Turkiga, halkaas oo ay uga bilaabmatay booqasho rasmi ah.

 

Guddoomiyaha iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa ka qayb galaya saxiixa lagu mataaneynayo labada Caasimadood ee Muqdisho iyo Ankara oo maalinta beri ah la saxiixi doono Isagoo sidoo kalena ka qeyb geli-doona shirweynaha Midowga Caasimadaha Caalamka oo ay marti gelineyso  Ankara.

 

Duqa Muqdisho oo uu weheliyo Mudane Maxamed Jaamac Caydiid oo ah Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Turkiga  ayaa kulan la qaatay dhiggiisa magaalada Ankara Prof. Dr. Mustafa Tuna oo ay ka wada hadleen Maamulka labada Caasimadood ee Soomaaliya mataaneyntooda iyo sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen horumarka, is-dhaafsiga khibradaha dhanka Maamulka iyo xoojinta wada shaqeynta.

“Waxaan Kulan ku qotomay xoojinta xiriirka labada Caasimadood wada yeelanay Duqa Ankara Dr. Mustafa Tuna oo isla qirnay muhiimadda ay leedahay mataanaynta labada Caasimadood.”Ayuu yiri Eng. Yarisow.

 

Duqa magaalada Caasimadda ah ee Mudisho Eng Yariisoow ayaa inta uu ku sugan yahay Ankara waxa uu kulammo doceedyo la qaadan doonaa madaxda Caasimadaha ee ka soo qeyb galaya shirka, isagoona kala hadli doona sidii ay iskaashi u wada yeelan lahaayeen.