Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JFS ayaa soo qabanqaabisay olole nadaafadeed oo ballaaran oo lagu nadiifinayo xeebta Curubo.
Ololahan ayaa waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha degmada Shangaani, ururrada dhalinyarada, iyo bulshada ka shaqeysa ilaalinta iyo horumarinta deegaanka.
Ololahan nadaafadeed wuxuu tusaale u yahay sida wada shaqeynta bulshada ay muhiim ugu tahay daryeelka iyo ilaalinta deegaanka Soomaaliyeed.
Xeebaha Soomaaliya oo ka mid ah kuwa ugu dheer qaaradda Afrika, ayaa mudan in laga ilaaliyo wasaqeynta iyo xaalufinta. Waxaa muhiim ah in shacabka iyo dowladdu ay iska kaashadaan sidii loo sugi lahaa bilicda iyo badbaadada deegaanka xeebaha, taas oo kor u qaadaysa muuqaalka qurxoon ee dalka iyo caafimaadka bulshada.