Muqdisho oo lagu soo bandhigay guulihii laga gaaray hannaanka maaliyadda dalka 10-kii sano ee la soo dhaafay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya  Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in jid dheer loo soo maray dib-u-casriyeynta iyo hayaanka horumarinta hannaanka maaliyadda dalka oo maanta 10-sano jirsaday.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay munaasabad lagu soo bandhigayay guulaha maamulka maaliyadeed ee Soomaaliya, isagoo xusay in Soomaaliya ay maanta leedahay nidaam adag, casri ah oo lagu kalsoon yahay, kaas oo sababay in deyntii laga cafiyo dalka, isla markaana dalka u horseedaya in isbeddel dhaqaale iyo horumar oo dhab ah lagu sameeyo.

Xamsa Cabdi Barre Wasiirka koowaad ee Xukuumadda ayaa uga mahadceliyey dadaalka Wasaaradda Maaliyadda iyo khubaradii ka soo shaqeeyey geeddi socodka la soo maray 10-kii sano ee la soo dhaafay (2013 – 2023).

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa u jeediyey hey’adaha la shaqeeya dowladda in mashaariicda ay fulinayaan ay mariyaan nidaamka dowliga ah, maadaama uu hadda dalku leeyahay hannaan maaliyadeed oo lagu wada kalsoon yahay.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya  Xamsa Cabdi Barre, ayaa imaanayo xilli ay Wasaaradda Maaliyadda soo saartay nidaam dhijitaal ah oo qaadista lacagaha Canshuurta ah ee laga qaadayo Dadka Isticmaalla lacagaha la isugu diro Telefoonnada.