Wasiir Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cali Xagaa, ayaa kamid ahaa masuuliyiintii maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde International Airport ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u soo magacawday Soomaaliya, Danjire Cismaan Dubad Sugulle.
Danjire Cismaan Dubad Sugulle oo horay uga soo shaqeeyey Soomaaliya, isla markaana ahaa taliyihii ugu horreeyey ee ciidamada Hiil-walaal ee Jabuuti ay u soo dirtay Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan la dagaallanka argagixisada, ayaa lagu tilmaamay masuul khibrad dheer u leh xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah.
Kadib soo dhaweyntii ka dhacday garoonka, wafdiga danjiraha cusub ayaa loo galbiyey xarunta Safaaradda Jabuuti ee Muqdisho, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamada gaarka ah ee safaaradda oo ka qaatay salaanta sharafka.
Sidoo kale, kooxaha Barbaarta Gaashaaman ayaa kusoo dhaweeyey ciyaaro dhaqameed Soomaaliyeed, halka howlwadeennada safaaradduna ay si weyn u soo dhaweeyeen danjiraha cusub.