Muqdisho oo Martigelisay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya (AI Summit Somalia 2026)

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa maanta si rasmi ah u qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya (AI Summit Somalia 2026), kaas oo noqday madal heer qaran ah oo lagu falanqeeyo doorka sii kordhaya ee Garaad Gacmeedka (Artificial Intelligence – AI) ku leeyahay horumarinta adeegyada bulshada, kobcinta hal-abuurka, casriyeynta adeegyada dowladda iyo dardargelinta koboca dhaqaale ee dalka.

Shirweynahan oo soconaya muddo laba maalmood ah ayaa waxaa soo qabanqaabisay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, iyadoo kaashanaysa Bulshada Garaad Gacmeedka Soomaaliya (AI Somalia Community), isla markaana si dhow ula shaqeysay Jaamacadda Zamzam iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (SNU). Shirkan ayaa isu keenay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, aqoonyahanno, cilmi-baarayaal, arday, hal-abuurayaal, ganacsato iyo khubaro ku xeel dheer tiknoolajiyadda, kuwaas oo si wadajir ah uga dooday fursadaha iyo caqabadaha la xiriira adeegsiga Garaad Gacmeedka ee Soomaaliya.

Shirweynaha ayaa waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Farah Sheikh Abdulkadir, oo khudbad uu jeediyay ku muujiyay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay la jaanqaaddo isbeddellada tiknoolajiyadeed ee dunida ka socda. Wasiirku wuxuu xusay in Garaad Gacmeedku uu yahay fursad weyn oo lagu horumarin karo waxbarashada, cilmi-baarista, adeegyada dowladda, caafimaadka, ganacsiga iyo dhinacyo kale oo muhiim u ah horumarka dalka.

Wuxuu tilmaamay in dowladdu ay ka shaqeynayso siyaasado iyo qorshayaal lagu dhiirrigelinayo isticmaalka tiknoolajiyadda casriga ah, gaar ahaan Garaad Gacmeedka, si loo abuuro bulsho aqoon ku dhisan oo ka faa’iidaysata hal-abuurka iyo horumarka dijitaalka ah. Wasiirku wuxuu sidoo kale ku boorriyay jaamacadaha iyo xarumaha cilmi-baarista inay door muuqda ka qaataan horumarinta aqoonta iyo xirfadaha la xiriira AI-da.

Intii uu shirku socday, waxaa la soo bandhigay dood-cilmiyeedyo, bandhigyo tiknoolajiyadeed iyo daraasado ku saabsan sida Garaad Gacmeedka loogu adeegsan karo xalinta caqabadaha jira, sida horumarinta waxbarashada, hagaajinta adeegyada caafimaadka, maamulka xogta, kobcinta ganacsiga iyo xoojinta awoodda hay’adaha dowladda. Khubarada ka qeyb gashay ayaa isla qiray in AI-du ay noqon karto aalad muhiim ah oo wax weyn ka beddeli karta adeegyada iyo wax-soo-saarka dalka haddii si sax ah loo maareeyo.

Shirweynaha ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay in la helo wada-shaqeyn dhow oo u dhaxeysa dowladda, jaamacadaha, shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo bulshada hal-abuurka, si loo abuuro jawi ku habboon horumarinta teknoolajiyadda iyo maalgelinta mashaariicda cusub ee ku saleysan Garaad Gacmeedka.

Mas’uuliyiinta Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa sheegay in shirkan uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu dhisayo istaraatiijiyad qaran oo ku saabsan adeegsiga Garaad Gacmeedka, iyadoo la doonayo in Soomaaliya ay noqoto dal ka faa’iideysta fursadaha waaweyn ee ay tiknoolajiyaddan casriga ahi bixineyso. Waxay xuseen in loo baahan yahay in la maalgeliyo aqoonta, cilmi-baarista iyo hal-abuurka si dhalinyarada Soomaaliyeed ay uga qeyb qaataan kacaanka tiknoolajiyadda ee dunida ka socda.

Ugu dambeyn, AI Summit Somalia 2026 ayaa lagu tilmaamay madal muhiim ah oo mideyneysa dowladda, bahda waxbarashada, khubarada teknoolajiyadda, ganacsatada iyo bulshada hal-abuurka Soomaaliyeed, si loo abuuro xalal cusub oo ku dhisan Garaad Gacmeed kuwaas oo wax ka tari kara baahiyaha dhabta ah ee dalka, isla markaana gacan ka geysan kara dhismaha Soomaaliya casri ah oo ku dhisan aqoon, hal-abuur iyo horumar waara.