Muqdisho oo xalay laga xusay 1-da Luulyo+SAWIRO

Magaalada Muqdisho ayaa xalay looga dabaal dagay xuska Sanadguurada 58-aad ee ka soo wareegay markii gobolada Koonfur 01 July 1960-Kii, ay ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga, Islamarkaana ku asteysan Israacii Labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur.

Munaasibadda oo ka dhacday Aqalka dowladda Hoose ee Xamar, ayaa waxaa ka qeyb galay, Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre , Wafdi ka socda dowladda Jabuuti, xubno ka tirsan Labada  Gole ee dowladda, Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, Gudoomiyaha gobolka, Gudoomiyeyaasha degmooyinkaiyo ururada Bulshada.

Munaasibadda waxaa Qudbado ku saabsan taariikhda iyo halgankii dheeraa ee loo soo maray Xorriyadda Soomaaliya waxaa ka jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Waayo joogga  Soomaaliyeed.