Muqtaar Roobow oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka Al-Shabaab

Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta ee dowladda Soomaaliya Sheekh Muqtaar Rooboow Cali (Abuu Mansuur) ayaa si kulul uga hadlay weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Xayaat ee Magaalada Muqdisho & weerarada kale oo ay ka geystaan Soomaaliya.

 

Muqtaar Rooboow oo ay garab fadhiyeen qaar kamid ah Culimada Muqdisho ayaa sheegay inay tahay wax aad looga xumaado dhibaatada ay guud ahaan dalka ka geeysanayaan Ururka Al-Shabaab, isaga oo sheegay in aysan aheyn wax Diin ah.

 

 

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in dadka Soomaaliyeed oo kaashanaya dowladdooda & Cullimadooda ay wajihi doonaan Al-Shabaab, Isla markaana taasi ay keeni doonto in Al-Shabaab fursad u waayaan weerarada ay geeysanayaan.

 

“Waxaan leeyahay, Dhallinyarada Shabaabka ah, kuwa aan aqaan ee idin soo qalday, ilmahooda Iskuulo iyo Jaamacado ayey Xamar ka dhigtaan ama aduunka kale nolol fiicana waa ku jiraan, yeysan been idin sheegin ayuu yiri ” Muqtaar Rooboow.

 

Sidoo kale Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta wuxuu sheegay in qof walba laga rabo in uu difaacdo naftiisa iyo Malkiisa, sidoo kalena loo midoobo la dagaalanka Al-Shabaab sida ay ugu midoobeen dadka degan Hiiraan iyo Galmudug oo la dagaalamay.

 

Hadalka Wasiirka Awqaafta &Arrimaha Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya Muqtaar Roobow ayaa kusoo aadaya xilli Muqdisho uu ka dhacay weerar ay geysteen Al-Shabaab, kaas oo in la soo afjaro ay dowladda ku qaadatay in ka badan 30 saacadood