Muqtaar Roobow Oo Kulamo La Leh Maamulka & Bulshada Degmada Xudur+Sawiro

Wadaadka Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur ayaa Maanta waxa uu gaaraya Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool halkaas oo siweyn loogu soo dhaweeyey.

Muqtaar Rooboow oo Gobolada Baay iyo Bakool ka wada abaabulka dagaal ka dhan ah Al-Shabaab ayaa degmada Xudur waxa uu kulan kula qaatay waxgaradka degmadas,isaga oo kala hadlay sidii loogu taageeri lahaa dagaalkaas.

Muqtaar Roobow oo ay Ciidamo farabadan ka joogan Gobolka Bakool ayaa tan iyo markii uu u soo goostay dhanka dowladda waxa uu waday abaabul dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab,waxana la sheegay in Ciidamadiisa iyo kuwa Koonfur Galbeed ay wada qaadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Safarka uu Muqtaar Roobow Maanta ku tegay Degmada Xudur ayaa waxaa ku wehlinaya Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed oo mar soo noqday gudoomiyaha Gobolka Baay.

Madaxda ugu sareysa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya weli kama hadlin booqahsada degmada Xudur ee Muqtaar Rooboow,waxana xusid mudan uu uu horay dhowr mar u tegay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

 

Â