Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay xun tahay shaqaaqooyinka wali kasii ka socda magaalada Laas Caanood ee Gobolka Sool.
Dowlada Federalka Somaliya waxay ku baaqday in si nabad ah loo maareeyo shaqaaqooyinkaasi, iyadoo loo turayo shacabka degaankaasina laga dhowrsado in dhiig dambe halkaasi ku daato.
Waxay sidoo kale Dowladda Federaalka ee Soomaaliya tacsi u dirtay qoysaska iyo eheladii dadkii naftooda ku waayey shaqaaqooyinkaas, iyo inuu Ilaahay degdeg caafimaad u siiyo kuwii ku dhaawacmey.
Musharraxa madaxweyne ee xisbiga mucaaradka Wadani ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxaxmed Cabdullahi (Cirro) oo qoraal ka soo saaray xiisadda taagan ayaa wax aan la aqbali karin ku sifeeyay dadka ay ciidamadda laayeen, wuxuuna fal axmaqniml ku tilmaay ficilada ciidamadda.
“Arrintaas waa axmaqnimo, Xukuumadda waxaa la rabay in ay soo qabato dadkii Hadraawi dilay balse kama sugeyn in ay disho 10 kale, wax la aqbali karo ma ahan arrimahaas Xukuumadda waxaa ku waajib ah in ay amniga sugto magaaladana culeyska ka qaado iyada amniga la sugaayo, Golayaasha Guurtida, Wakiilada, Culimada & Haldoorka waxa aan usoo jeedinayaa in aan la dhayalsan ,” ayuu yiri Cirro.