WARSAXAAFADEED:Musharraxiin Madaxweyne oo diiday habraaca wax ka beddelka Dastuurka Soomaaliya
Shan musharrax oo u taagan xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen 5-ta Maarso 2026 ku diiday habraaca loo maray wax ka beddelka Dastuurka Kumeel-Gaarka ah.
Musharraxiintan ayaa sheegay in ansixintii ay sameeyeen labada aqal ee Baarlamaanka lagu meel mariyey iyadoo aan la helin wadatashi qaran oo loo dhan yahay, taas oo ay ku tilmaameen mid sii kordhin karta kala qeybsanaanta bulshada iyo xiisadaha siyaasadeed ee dalka ka jira.
Waxay sidoo kale ku baaqeen in dhameystirka dastuurka uu noqdo mid ku dhisan is-afgarad qaran, wada-tashi hufan, iyo oggolaansho bulshada Soomaaliyeed, iyagoo xusay in dastuurku yahay heshiis bulsho oo ay tahay in lagu dhiso kalsooni iyo wadajir.
Musharraxiinta saxiixay war-saxaafadeedka:
- Cumar Cabdulqaadir Axmed Fiqi
- Cabdiraxmaan Macalin Axmed (Ablaal)
- Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud (Caana-boore)
- Bashiir Xaaji Cali (Jamaal)
- Nucmaan Shiikh Cumar Tuure
