Musharax Madaxweyne ee Galmudug, Mudane Maxamed Aadan Jimcaale Koofi, iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta si diirran loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, soo dhaweynta Musharaxa iyo Wafdigiisa ayaa ahayd mid heer sare ah oo ay ka qayb galeen Boqolaal Dadweyne ah.
Musharaxa soo dhaweyntiisa ayaa waxaa ka qaybgalay Masuuliyiinta Maamulka Degmada Guriceel, Odayaasha Dhaqanka, Haweenka, Aqoonyahannada, Dhalinyarada Barbaarta gaashaaman, iyo Qaybaha kale ee Bulshada, iyagoo ku bogaadiyey Musharaxa Rajada wanaagsan ee uu u wado Shacabka Galmudug.
Musharaxa iyo wafdigiisa ayaa loo galbiyey gudaha Magaalada Guriceel ayadoo la filayo inuu Musharaxu Khudbad muhiim ah u jeediyo Shacabka ku dhaqan Guriceel, isagoo diiradda saari doona Qorshihiisa Siyaasadeed iyo Aragtidiisa ku aadan Hogaaminta Mustaqbalka Galmudug.