Musharax Madaxweyne Oo Ku geeriyooday Qarixii Kadhacay Kismaanyo

ku dhawaad 15 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarkii Al-Shabaab shalay Galinkii dambe ay ku qaadeen Hoteelka Cascasey ee Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Dadka dhintay waxaa ka mid ahaa Musharax Madaxweyne Jubbaland Maxamed ismaciil Shuuriye, Hodan Naaleeye oo aheyd Gabadh ka timid dalka Canada oo Wariye aheyd oo si weyn looga yaqaanay Soomaaliya iyo Seygeeda Fariid Jaamac oo horay Wasiir kaga soo noqday Jubbaland, Deeq Wabi oo dhawaan ka yimid Mareykanka ahaana Madaxa Hay’adda SADO, Maxamed Sahal Gacmadheere oo ahaa Wariye ka tirsan Radio Ergo iyo TV-ga SBC.

Waxaa sidoo kale jira dad kale oo badan oo aan wali la aqoonsan kuwaasoo ku dhintay Weerarka Al-Shabaab ay ku qaadeen Hoteelka.

Ciidanka Jubbaland ayaa hadda soo afjaray inta weerarkii Magaalada Kismaayo, waxana ka qeyb qaatay Ciidamo Mareykan oo fadhigoodu yahay Garoonka Magaalada Kismaayo.