Musharax Qoor Qoor Oo lakulmay Madaxa Xukuumada Galmudug

Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa Maanta Xafiiskiisa waxaa uu kusoo dhaweeyayb Musharax MadaxweyneDowlad goboleedka  Galmudug Axmed Cabdi Kaariye(Qoor Qoor)

Sheekh Maxamed Shaakir  ayaa Musharaxa Wasiir Axmed Cabdi Kaariye uga Warbixiyay Xaalada ammaan ee Deegaanka, isagoo Madaxa Xukumadda Galmudug Sheegay in ay soo dhaweenayaan Musharixiinta u taagan Xilka Madaxweyne Galmudug.

Sidoo kale waxaa ay ka wada hadleen sidii looga wada Shaqeyn lahaa dhismaha Galmudug loo dhan yahay oo haatan loo diyaar garoobayo in la dhiso,waxaana Sheekh Maxamed Shaakir uu sheegay in dhisamaha Galmudug mideysan ay tahay muhiim.

Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay Sanoter Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer,waxaana xusid mudan in uu horay ula kulmay Musharax Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa.