Musharixii La Tartami Lahaa Cabdullaahi Gaafoow Oo Tanaasulay

Magalada dhuusamareeb waxaa Goordhow ka bilaabatay doorashada Kursi ka banaanaa Golaha Shacabka Soomaaliya oo ay ku tartamayaan  laba musharax oo kala ah Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud iyo Guddoomiyihii hore ee degmada Deyniile Xiireey Muxudiin Cumar.

Goobta Doorashada ayaa waxaa ku sugan Madax ka tirsan Maamulka Galmudug,Siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Inta aysan bilaaban codeynta doorashada ayaa waxaa goobta soo istaagay Musharax Xiireey Muxudiin Cumar oo la tartamayo Cabdulalahi Gaafoow Maxamuud,isaga oo sheegay in uu ka tanaasulay u tartamida kursigaas.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Xaliimo Yareey ayaa sheegtay inay doorashada dhaceyso,isla markaana cod lagu kala baxayo,iyada oo la raacayo habraaca doorashada