Musharixiinta Dorashada Jubbland Oo Walaac Ka Muujiyay dorashada Maamulkaasi

Musharaxiinta Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Madaxweyne Axmed Madoobe ay u af-duuban tahay Doorashada Jubbaland ee lafilayo in dhawaan ay ka dhacdo Magalada Kism,aayo.

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ah Xildhibaan ka tirsan  Golaha Shacabka kana mid ah Musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxa uu sheegay in habraacyadii doorashada iyo nidaamka sugidda amniga ay u afduuban tahay madaxweyne Axmed Madoobe .

Waxa uu tilmaamay in ay tahay waqti dhumis iyo bur-burin lala damacsanyahay Maamulka Jubbaland taasina ay macquul ahayn loona baahan yahay in waxlaga qabto.

Xildhibaan Cabdirashiid Xidig ayaa waxaa hadalkiisa uu intasi ku daray in ay doonayaan in doorashada ay kusoo celiyaan wadadii ay laheyd hadii ay dhici waysana ay qaadacayaan wixii kasoo baxa,isla markaana doorasho kale ay qabsanayaan.

Hadalka Xildhibaan Cabdirashiid Xidig ahna musharax Madaxweynaha Jubbaland ayaa imaanaya xilli sidoo kale Musharax Cabdi Naasir Seeraar Maax uu sheegay in doorashada Madaxweynaha Galmudug uu si qaldan u maamulayo Axmed Madoobe,isla markaana aysan aqoonsan doonin natiijada kasoo baxa.