Musharixiinta Jubbaland oo Cabasho ugud biyay Beesha Calamka

Kadib kulan ay Magalada Kismaayo ku yeesheen Musharixiinta la Magaca baxay Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland iyo Wafdigii Urur Goboleedka IGAD ayaa musharixiinta waxaa ay shuruudo adag ku xireen ka qeyb galka doorashada Jubbaland.

Shuruudaha oo ka kooban Sideed qodob ayaa Midowga Musharixiinta waxaa ay hor-dhigeen Wafdiga ka socda Urur Goboleedka IGAD, iyaga oo dalbaday in loo gudbiyo UNSOM, AU,Arab league,EU iyo dowladaha daneeyo Soomaaliya.

1: In Xildhibaannada ay soo xulaan Odayaasha Saxda ah ee Jubbaland.

2: In hal qof  loo soo xulo  kursi Xildhibaan

3: In doorashada Madaxweynaha Baarlamaanka Jubaland ay qabtaan.

4: In doorashada ay ka dhacdo goob ka madax bannaan  Xarumaha Maamulka Jubbaland sida xarunta QM.

5: In Ammaanka goobta doorashada iyo amaanka musharixiinta ay sugaan Ciidamada AMISOM.

6: In doorashada Jubbaland ay goobjoog ka noqdaan Xubno ka socda Dowlada Federaalka

7: In in Goob joogayaal Caalami ah  la helo sida Xubno ka socda Beesha Caalamka.

8: In Warbaahinta gudaha iyo tan dibadda ay goobjoog ka ahaadaan doorashada.

Lama oga in Madaxda Jubbaland ee haatan waqtigooda dhamaaday ay ogolaan doonaan shuruudaha ay soo bandhigeen Xubnaha Midowga Musharixiinta Jubbaland, iyada oo doorashada Jubbaland ay xiligaan tahay mid ka duwan doorashooyinkii dhacay.