15 murashax oo ka mid ah murashixiinta u taagan doorashada Madaxweynaha Puntland ayaa walaac ka muujinaya qaabka ay hadda u maamuleyso xukumadda Puntland hanaanka doorashada.
Musharaxiintan ayaa ugu baaqay xukuumadda inay ka fogaato wax walba oo xagla daacin kara doorashada.
Doorashada Puntland oo lagu wado inay dhacdo 8-da bisha Janaayo ee soo socota ee sanadka 2019-ka, ayaa waaa u taagan in ka badan 30 murashax.
Murashixiintan oo shir Jaraa’id ku qabtay Garoowe, ayaa sheegay in shaki badan ay ka qabaan inm doorashada madaxweynaha Puntland ay u qabsoomi dooonto si cadaalad ah.