Musharixuinta isbeheysiga Jubbland Oo Sheegay in ay Sameynayaan Gudi Madaxbanaan

Qaar ka mid ah Musharaxiinta xilka Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in ay sameysan doonaan guddi doorasho oo ka madax banaan kan Jubbaland ee Shaqada doorashadda ku howlan.

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka mid ah Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in ay waddaan dadaallo ay kaga hortagayaan shaqooyinka ay waddaan Guddiga doorashooyinka Jubbaland.

Waxaa uu ku eedeeyay in ay sameynayaan eex oo ay taageerayaan kaliyah Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Guddiggaan doorashooyinka Jubbaland ayuu sheegay xildhibaan Xidig in dhammaan ay kasoo horjeeddaan Odayaasha dhaqanka Jubbaland, islamarkaaana ay soo xuleen Odayaal aan sax aheyn.