Golaha Muslimiinta Kenya ayaa si aad ah kaga soo horjeestay hadal dhawaan kasoo yeeray Maxkamadda dalkaasi.
Hadalka Maxkamadda ayaa ahaa in Gabdhaha aysan u qaadan karin Xijaabo waqtiyada ay aadayaan Iskuulada.
Waxa uu sheegay wadaad u hadlay Golaha Muslimiinta Kenya in aysan midaa aqbali karin qaadashada Xijaabkana uu yahay Sharci aysan Haweenka Muslimaadka ah ka tagi karin.
Waxa uu sidoo kale xusay in dadaal badan ay u gali doonaan sidii go’aanka ay Maxkamaddu kaga laaban lahayd.