Mustafe Cagjar Oo U Digay Siyaasiyiin Iyo Ciidamada Liyuu Boolis

Madaxweyne Mustafe Cagjar”Waxaa xiisad deegaanka ka abuuraya dad ka baqaya in loo qabsado dambi ay galeen”

Madaxweynaha Cusub ee Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar ayaa si kulul uga hadlay xiisad siyaasadeed oo uu sheegay inay abuurayaan Siyaasiyiin ka mid ahaa Xukuumadii Cabdi Maxamuud Cumar.

Waxa uu sheegay in Ciidamada liyuu boolis ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya la isku-dayayo in la adeegsado,balse dhankooda looga baahan yahay inay ka feejignaadaan,isla markaana amarada ka soo baxa Maamulka deegaanka kaliya ay qaataan.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in dad wada baran bagaando ay ku sugan yihiin gudaha deegaanka kuwaas oo uu sheegay inay ka baqdin qabaan in loo qabsado dambiyo ay horey u galeen sida uu hadalka u dhigay.

Shacabka dowlad deegaanka Soomaalida Itobiya ku nool ayu ugu baaqay inay la Shaqeeyaan maamulka,isla markaana aysan dhageysan dadka waxyaabaha been abuurka ah u sheegaya.