Muudey oo ka hadlay dhacdadii maanta ee xarunta Golaha Shacabka

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka C/wali Ibraahim Muudey ayaa shir jaraa’id oo galabta uu ku qabtay Magaalada Muqdisho wuxuu kaga hadlay dhacdadii maanta ee xarunta Golaha Shacabka.

Ciidamo Daacad u ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa maanta saacado kooban la wareegay xarunta Golaha Shacabka, taasi oo sababtay inuu baaqdo kulankii lagu balansanaa.

Guddoomiye Muudey ayaa sheegay in maanta xarunta Golaha Shacabka ay dhacday dhacdo fool xun oo ay geysteen Guddoomiye Jawaari iyo kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad.

Wuxuu sheegay in ay ku xad gudbeen sharciga, qofka marka la soo eedeeyo ayuu sheegay in xaq loo leeyahay in laga guto wixii wajib ahaa oo lagu leeyahay.

Sidoo kale Muudey ayaa sheegay in (Jawaari) uu ku xadgudbay Dastuurka, kadib markii uu tilmaamay in  Ciidamo uu la yimid xaunta, kuna qalqal geliyay xubnaha Baarlamaanka oo waajibaadkooda shaqo gudanayay.

“Qof masuuliyad sheeganaya hadana ku xad gudbaya waa arrin aan wanaagsaneyn, shacabka Soomaliyeed waxaan u sheegayaa in arrintaasi ay la socdaan, kana xun nahay sida ay wax u dhaceen, qof sharciga ka weyn ma jirto.” Ayuu yiri Guddoomiye Muudey.

Beesha Caalamka ayuu ku wargeliyay in ay la socdaan arrintan, oo uu tilmaamay in Gudoomiye (Jawaari) iyo kuxigeenkiisa labaad ay sameeyeen ku xad gudub.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaao) iyo Hay’adaha Dastuuriga ayuu u soo jeediyay in ay eegaan arrimahan, talaabo sharciga waafaqsana laga qaado cida falkan ku kacday.