Muungaab oo Booqday Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Xoojinta Adeegyada Muwaadiniinta oo la Taabtay

Guddoomıyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdısho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa booqasho ku tagay xarunta dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, halkaasi oo uu kusoo dhaweeyay Agaasimaha Guud ee HSJ, Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow.
Duqa Muqdiso iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka wada-shaqeyn ee Dowladda Hoose ee Xamar iyo HSJ, horumarinta adeeg bixinta iyo casriyeynta dokumentiyada, si muwaadiniinta soomaaliyeed ay ugu fududaato helida adeegyadda ay u baahan yihiin.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo ay wehliyeen Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda G/Banaadir iyo Agaasimaha Waaxda Dad-dhigidda Mudane Faarax Cali Cumar ayaa boogaadiyay guulaha laga gaaray tayeynta baasaboorka Soomaaliya iyo in wadamada caalamka ay aqoonsadeen, taasi oo guul u ah shacabka Soomaaliyeed.