Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa maanta oo Khamiis ah guddoomiyay shir heer sare ah oo diiradda lagu saaray dardargelinta nadaafadda Caasimadda Muqdisho, adkaynta dhaqan-gelinta Xeer-Nidaamiyaha Nadaafadda iyo Maaraynta Qashinka, iyo xal u helidda xoolaha sida sharci-darrada ah ugu dhex nool magaalada.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeennada Maamulka Gobolka Banaadir ee Arrimaha Amniga iyo Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta, Hawlaha Guud, Xoghayaha Guud ee maamulka, Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Deegaanka, Agaasimeyaal ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Muqdisho.
Intii uu socday kulanka ayaa si qoto dheer looga dooday caqabadaha hortaagan nadaafadda caasimadda, waxaana la falanqeeyay qorshayaal lagu xaqiijinayo isbeddel muuqda oo muddo kooban lagu horumarinayo bilicda Muqdisho. Mas’uuliyiintii kulanka ka qeyb gashay ayaa isku raacay in si adag loo dhaqan-geliyo Xeer-Nidaamiyaha Nadaafadda iyo Maaraynta Qashinka, isla markaana la xoojiyo dadaallada lagu joojinayo xoolaha sida sharci-darrada ah ugu dhex wareega magaalada.
Guddoomiye Muungaab ayaa sheegay in ilaalinta nadaafadda iyo deegaanka ay tahay waajib sharci ah oo ay si wadajir ah u leeyihiin maamulka, ganacsatada iyo guud ahaan bulshada, isagoo xusay in horumarka magaalada uu ku xiran yahay wada shaqeyn iyo u hoggaansanaanta xeerarka jira.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in maamulka uusan u dulqaadan doonin fal kasta oo wax u dhimaya nadaafadda, deegaanka iyo bilicda caasimadda, isagoo sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ku xadgudubta xeerarka nadaafadda iyo maaraynta qashinka.
Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu faray dhammaan hay’adaha ay khusayso arrimahan inay si isku-duubni ah u fuliyaan go’aannadii kasoo baxay shirka, si loo xaqiijiyo magaalo nadiif ah, bilicsan, isla markaana u qalanta shacabka ku nool.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa muddooyinkii dambe waday dadaallo lagu horumarinayo nadaafadda Muqdisho, iyadoo ololayaal kala duwan laga fuliyay degmooyinka caasimadda si kor loogu qaado bilicda magaalada loona yareeyo dhibaatooyinka ka dhasha qashinka iyo xoolaha sida aan nidaamsaneyn ugu dhex socda waddooyinka.