Muuse Biixi oo ka qeyb galay Salaad Roob doon oo laga dukaday degaannada Somaliland

Madaxweynaha  Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta shacabka ku dhaqan caasimadda Magaalada Hargeysa kala qaybgalay salaad Roob-doon ah oo lagu oogay masjid Jaamaca weyn ee Hargeysa.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, maayarka caasimadda Hargeysa iyo qaar kamid ah taliyeyaasha kala duwan ee ciidamada, ayaa boqollaal kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa kala qayb-galay tukashada salaad Roob-doon ah, taas oo uu Toddobaadkii hore iclaamiyey wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, isla markaana maanta laga oogay gobollada iyo degmooyinka kala duwan ee Somaliland.