Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo xalay qasriga madaxtooyada kulan casho iyo afur ah ugu sameeyey culimada waaweyn ee maamulka, ayaa hor dhigay dalab cusub.
Madaxweyne Biixi ayaa culimada ugu baaqay inay difaaca dalkooda oo ula jeedo Somaliland ay safka hore ka galaan, kuna dhiirradaan jawaab ka bixinta wax kasta oo deel-qaaf iyo qadaf ku ah qarannimada Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.
“Culimadu hoosta uun bay ka duceeyaan ee culimada kale ee dalka farogelinaysa uma jawaabaane, taas halla ogaado oo culimadu qaybtooda dalka haka qaataan marka ay culimada kale soo farogelinayso,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Sidoo kale waxaa laga jeediyey munaasibadda hadallo la xiriira kaalinta muhiimka ah ee culimadu ku leedahay horumarinta dalka iyo isdhex-galka bulshada.
Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar oo halkaasi ka hadlay ayaa bulshada kula dardaarmay inay isku tashadaan, ku dhaqanka Diinta ku adkaadaan, dawladnimada iyo waxa ay umadda heshiiska ku tahayna la wada ilaashado.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa isaguna dhankiisa madaxweynaha uga mahad-celiyay muhiimadda uu siinayo inuu la kulmo culimada waaweyn ee dalka, talooyinkooda iyo aragtiyahoodana dhegaysto, isaga oo culimadana ugu baaqay inay talooyinkooda bud-dhig uga dhigaan ilaalinta dawladnimada.