Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xalay kulan ballaadhan la yeeshay ganacsatada kala duwan ee Somaliland.
Kulankaan oo lagaga doodayey sidii wada-jir loogaga tashan lahaa duruufaha kusoo kordhay isu-socodkii ganacsiga ee mandaqadda badda cas, sida ay shaacisay Madaxtooyada Somaliland.
Kulanka oo ka qabsoomay qasriga madaxtooyada, islamarkaana ay madaxweynaha ku wehelinayeen wasiiro ka tirsan xukuumadda ayaa diiradda lagu saaray sidii looga dabbaalan lahaa saamaynta dhaqaale ee ka dhalatay duruufaha kusoo kordhay ganacsigii isaga kala gooshi jirey marinka badda cas, loona diyaarin lahaa qorsheyaal midho dhal ah oo lagu maareeyo saamaynta ganacsiga ku soo korodhay ee nolosha bulshada taabanaysa.
Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacag Cali Shire, ayaa isaguna hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in ganacstada iyo xukuumaddu iska kaashadaan sidii loo heli lahaa talooyin lagaga gaashaanto saamaynta ka dhalatay duruufaha kasoo kordhay mandaqadda badda cas.
Madaxweynaha ayaa waxa uu ganacsatada uga mahad-celiyay sida xushmadda leh ee u soo ajiibeen kulanka qaran ee loogu baaqay, waxana uu soo dhaweeyey soo jeedimaha iyo talooyinka cilmiga ku dhisan ee ku saabsan iskaashiga ganacsatada iyo dawladda.
Sidoo kale waxa uu guddoomay soo jeedin la xidhiidha in la diyaariyo guddi isku dhafan oo xukuumadda iyo ganacsatada ka kooban oo xal waara ka keenta dhibaatada dhanka isu socodka ganacsiga iyo badeecadaha ee mandaqadda kusoo korodhay.
Ugu dambayntii, madaxweynaha ayaa waxa uu ganacsatada ku boorriyey inay door muuqda ka qaataan nabadgelyada iyo xasiloonida bulshada dhexdeeda ah, si ay uu isu socodka ganacsigu kor ugu kaco, horumarkuna u noqdo mid waara.