Muuse Biixi Oo lagu Soo dhoweeyay Hageysa

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Hargeysa,kadib safar uu maalmahaan ugu maqnaa dalalka Gini iyo Itoobiya oo ka mid ah wadamada Qaarada Afrika.

Wafdiga Madaxweyne Muuse Biixi oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha oo ay Wehelinayaan Wasiirrada Arrimaha dibedda, Maaliyadda, Ergayga Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale ayaa waxaa soo dhaweyn aan caadi aheyn u sameeyay mas’uuliyiinta qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Hargeysa.

Garoonka Diyaaradaha Cigaal wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa ayaa saakay waxaa lagu arkayay dadweyne ku labisan dhar laga sameeyay Calanka Soomaaliland iyo kuwo  watay Calanka Soomaaliland,waxaana wadooyinka qaar lagu dhejiyay Sawirada Madaxweynaha Soomaaliland.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Boqolaal ka mid ah dadkii soo dhaweynayay u jeediyay khudbad uu kaga hadlay xaalada siyaasadeed ee soo cusboonaaday iyo go’ankii dowladda Federaalka Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay Dowladda Gini oo uu booqashada ku tegay.

Soo dhaweynta Maanta Madaxweynaha Soomaaliland loogu sameeyay Magalada Hargeysa ayaa u muuqatay mid dhoolatus siyaasadeed ah,kadib markii Dowladda federaalka Soomaaliya ay xiriirka u jartay Jamhuuriyadda Gini oo dalkeeda ku marti qaaday Madaxweynaha Soomaaliland.