Muuse Biixi Oo Magacaabis Sameeyay

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-521/062020, ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Togdheer.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan karo Masuuliyadda ka dhalaneysa Xilkan;
Markaan Sameeyey: la-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In Maxamed Diiriye Xayd Nuur laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Togdheer.

Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Togdheer ayaa waxaa uu bedelayaa Guddoomiyihii gobolka Togdheer ee Soomaalilaan, Xamse Maxamed Cabdi, kaas oo 7-bishaan ku geeriyooday dalka Turkiga.