Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-614/012021 uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumaddiisa.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
UJEEDDO: XIL KA-QAADIS
Ku: Hinda Jaamac Xirsi Maxamed
Wasiirkii Hore ee Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska
Ku: Cabdi Nuur Axmed (Cabdi Guray)
Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Ku: Cali Xuseen Nuur Beegsi
Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga
Ku: Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur
Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta
Ku: Cali Cabdillaahi Daahir Xirsi
Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda
Ku: Cabdiraxmaan Siciid Yuusuf
Agaasimihii Guud ee hore ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka
Ku: Xuseen Xaaji Xasan Guuleed
Guddoomiyihii hore ee Guddida Tacliinta Sare
Ku: Cabdikariim Maxamed Xaaji Cali
Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda
Ku: Maxamed Xasan Sheekh Muumin
Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee Guddida Tacliinta Sare
Marwo iyo Mudanayaal,
Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u hayseen.
Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.
+++++++++++++++++++++++++++
UJEEDDO: MAGACAABID
Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;
Waxaan Go’aamiyey;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:
- Saleebaan Warsame Guuleed Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda
- Mustafe Godane Cali Bile Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska
- Siciid Axmed Jibriil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha
- Axmed Cali Maax Warsame Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga
- Jamaal Cabdi Muuse Diiriye Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta
- Rooble Cabdi Muuse Maxamed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha
- Deeqa Cabdi Yuusuf Dhidar Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka
- Farxiya Maxamed Cabdiraxmaan Daahir Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-geshiga
- Maxamed Yuusuf Ismaaciil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka
- Mukhtar Maxamed Cali Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta
- Aamina Xuseen Maxamuud Jaamac Agaasimaha Guud ee Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda
- Jamaal Maxamed Jaamac Cashuur Agaasimaha Guud ee Guddida Doorashooyinka Qaranka
+++++++++++++++++++++++++++++++++++
Magacaabid: Agaasimaha Fulinta ee Mac’hadka Tababarka Shaqaalaha
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobkiisa 90aad;
Markaan Arkay: Baahidda Loo Qabo Magacaabista Jagada Agaasimaha Fulinta ee Mac’hadka Shaqaalaha Dawladda;
Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;
Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aamiyey;
In Cumar Iid Qaloonbi Samatar laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Fulinta ee Mac’hadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland.
++++++++++++++++++++++++++++++
Magacaabid: Mac’hadka Cilmi-baadhista Beeraha
Markaan Arkay: Qodobka 90aad iyo Qodobka 113aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaad Arkay: Baahida Loo Qabo Dhismaha Guddida iyo Agaasinka Mac’hadka Cilm-baadhista Beeraha iyo Kaalinta ay ka Qaadan Karaan Kobcinta Aqoonta iyo Awoodda Wax Beerista ee Dalka;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;
Waxaan Go’aamiyey;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan Mac’hadka Cilmi-baadhista Beeraha u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:
- Wasiirka Wsaaradda Horumarinta Beeraha Guddoomiyaha Guddida Sare ee Mac’hadka
- Madaxa Waaxda Beeraha ee Jaamacadda Hargeysa Xubin Guddida Sare ee Mac’hadka ah
- Madaxa Waaxda Beeraha ee Jaamacadda Camuud Xubin Guddida Sare ee Mac’hadka ah
- Madaxa Waaxda Beeraha ee Jaamacadda Burco Xubin Guddida Sare ee Mac’hadka ah
- Madaxa Waaxda Cilmi-baarista ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Xubin Guddida Sare ee Mac’hadka ah
- Dr. Aadan Cilmi Yuusuf Agaasime Fulinta ee Mac’hadka
+++++++++++++++++++++++++++++