Muuse Biixi oo u ambabaxay mid ka mid ah dalalka Afrika

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixci Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Gelinkii dambe ee Maanta waxaa ay ka dhoofeen Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magalada Hargeysa.

Wafdiga ayaa waxaa ay kusii jeedaan Dalka Jamhuuriyadda Guinea oo ku yaalla  Galbeedka Qaarada Afrika,waxaana garoonka kusii sagootiyay mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole ee Maamulka Soomaaliland.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibada Soomaaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud (Faratoon) ayaa sheegay in u jeedka safarka Madaxweyne Biixi uu yahay casuumaad ka helay Madaxweynaha dalka Guinea,isla markaana uu qaadan doono mudo laba cisho ah.

Waxa uu sheegay in Madaxweynaha dalka Guinea uu kala hadli doono arrimo ay ka mid yihiin danaha dalka Guinea iyo Maamulka Soomaaliland,isla markaana wadahadalladaas uu rajeynayo in waxybaao badan kasoo baxaan.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa tan iyo markii la doortay waxaa uu safari kala duwan ku bixiyay dalal ay ka mid yihiin,Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya.