Muuse Bixii Oo Amar kubixiyay in Awood lagu joojiyo Dagaalka Ceel-Afweyn

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu deg-dag ah uu baaq nabaddeed ugu direy laba beelood oo walaalo ah oo mar kale dirir colaadeed ay ku dhex-martay degaanka Darar-weyne ee degmada Ceel-afweyn.

Madaxweynaha oo la hadlay warbaahinta, ayaa waxa uu labadaas beelood ba ka codsaday in ay dirirtaa colaadeed ay ku soo dabbaalaan nabad iyo xasilooni isaga oo sheegay in dagaalka uu wiil ku dhinto balse aanu wiil ku dhalan.

Waxaa sidoo oo kale uu fariin u direy ciidamada Booliska Somaliland iyo weli ba sida oo kale shacabka ku dhaqan degaanaddaasi oo uu ugu baaqay in si weyn loogga wada qeyb-qaato siddii loo demin lahaa dirirtaas colaadeed.

“Ciidamada Amaanka iyo xukuumadda na waxa aan ugu baaqayaa in ay xilkooda iyo waajibkooda ka gutaan siddii nabad looggu soo dabbaali lahaa halkaas. Waxa aan salaadiinta, wax-garadka, shacbiga, haweenka iyo dhallinyarada ba in laga qeyb-qaato gurmadka nabadeynta degmadaa shaqaaqadu ka dhacday.” Ayuu Muuse Biixi