Muuwaadin Soomaaliyeed oo dil kageystay dalka Jarmalka

Muwaadin Soomaaliyeed ayaa dalka Jarmalka fal xanuun badan ka geystay ka dib markii uu Toorey ku dilay dhaqtar Caan ah oo qaabilsanaa qaliimadda oo u dhashay dalka Jarmalka.

Falkaan ayaa ka dhacay Magaalada Offenberg ee dalka Jarmalka, waxaana la sheegay in muwaadinka Soomaaliyeed uu weeraray ku qaaday goob Caafimaad oo uu lahaa dhaqtarka dhintay.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in aysan jirin wax ka dhaxeeyay dhaqtarka iyo Muwaadinka Soomaaliyeed.

Dhacdada xanuunka badan ayaa ah ninkaasi in ninka dhaqtarka ah Caruurtiisa uu ku amray in ay daawadaan sidda loo dilaayo Aabahood.

Booliska Jarmalka ayaa hadda baaritaano ku wadda ninka dilka geystay oo da’diisa lagu sheegay 26 jir, islamarkaana Jarmalka soo galay sanadkii 2015-kii.