Muwaadin Somaali ah Oo Xukun lagu riday Uk

Cabdi Mahad Osman ayaa la xiray isbuucyo kadib, markii loo ballan qaaday inuu ka shaqeyn karo dalkaasi oo uu muddo 5 sanno ah dagaal dhanka Sharciga ugu jiray sidii uu ku tegi lahaa dalkaasi.

Eedeysanaha oo 31-jir ah ayaa waxaa haatan u bilabaantay Xabsi 5 sanno iyo 7 bilood, kadib, markii lagu helay inuu Sarkaal dhar cad ah oo ka tirsan Boliska UK ka iibiyey noocyadda Daroogadda ee Kokaa’iinka iyo Herowiinka bishii August 31-dii ee sannadkii hore.

Cabdi Mahad Osman oo deggan Hamilton oo ka tirsan magaalladda Lester ayaa la sheegay inuu Sarkaalku bixiyey lacag dhan 15 Giniga Britain, taasi oo uu ku iibsaday hal garaam oo Daroogadda Kokaa’iinka

Bishii September 7-dii ee sannadkii hore ayuu Sarkaalkii mar kale la soo xiriiray Cabdi Mahad Osman oo uu ka codsaday inuu ka iibiyo Daroogada, balse, la xiray xilligaasi.

Dhinaca kale, Xeer-beegtida Maxkamadda la hor geyey Eedeysanaha waxaa loo gudbiyey faylasha 33 Eedeyn oo ku aadan dacwadaha loo haysto  iyo codad uu duubay Sarkaalkii uu ka iibin jirey Daroogadda.

Garsoore Robert Brown oo qaadayey dacwadda loo haysto Eedeysanaha waxa uu ku xukumay xabsi dhan 5 sanno iyo 7 bilood.