Muwaadin Somaaliyeed Oo la Soo taagay Maxkamad ku taalla magaalladda Zebbug

Muwaadin Somali oo 28-jir ah ayaa la soo taagay  Maxkamad ku taalla magaalladda Zebbug ee Jesiiradda Malta, kadib, markii lagu soo oogay inuu dhawaacay Askari Bolis ah iyo inuu sameeyey iska caabin rabshadaysan.

Muwaadinka Soomaalida waxaa kaloo lagu soo oogay Amar-diido iyo inuu tafaasiil dheer ah ka bixiyo waxa ku dhaliyey falkaasi.

Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay in Ninkaasi lagu eedeynayo inuu weeraray qof 3-aad, isagoo watay Tooreey, isla markaana uu  Sarqaansanaa.

Dhinaca kale, Eedeysanaha oo aan magaciisa la shaacinin waxa uu sheegay inuusan wax Dembi ah gelin, waxayna Maxkamaddu amartay in lagu sii hayo Xabsiga.