Muwaadin Somaaliyeed Oo Maxkamada Roma Saddex Milyan Eurou U Xukuntay

Dowladda Talyaaniga ayaa u xukuntay magdhaw dhan 3 Milyan oo Euro,Ninka lagu magacaabo Xaashi Cumar Xasan oo ah Soomaali 17 sano ku xirnaa dalka Talyaaniga.

Xaashi ayaa Rome loogu xiray in uu Muqdisho ku dilay Gabar Wariye ah iyo Kaamiriiste u dhashay dalka Talyaaniga sanadkii 1994-tii.

Ilaria Alpi iyo Kaamiriiste Milan Hrovatin,ayaa u shaqeynaayay Warbaahinta RAI ee Italy waxaana 1994-tii lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Maxkamadda Magaalada Rome ayaa dambi ku waysay Xaashi Cumar Xasan waxaana ay u xukuntay 3.181 Milyan oo lacagta Europe ah.

October 2016-kii ayaa Xaashi laga sii daayay Italy kaddib markii Qareennadii u doodayay ay ku guuleysteen in dambi lagu waayo.

Alpi, oo 32 jir ahayd iyo Hrovatin, oo 45 jir ahaa ayaa Gaari ay wateen waxaa weerar ku qaaday Malleeshiyo hubeysan March 20, 1994,bartamaha Magaalada Muqdisho.

Markii hore waxaa loo maleynaayay in Gabadha Wariyaha ah loo dilay aargoosi kaddib markii ay Muqdisho ku dagaallameen Ciidamadii Nabad Illaalinta Talyaaniga iyo mid ka mid ah Malleeshiyada hoggaamiye kooxeed ka mid ahaa kuwii ka talin jiray Muqdisho.