Muwaadin Somaliyeed Oo lasoo taagay Maxkamad ku taalla Jesiiradda Malta

Maxkamad ku taalla Jesiiradda Malta  ayaa la soo tagaay Maxamed Cumar Ciise oo 22-jir ah, kaasi oo lagu helay inuu  iibinayey Daroogada nooca loo yaqaanoMURJUWAANAHA.

Eedeysanahaasi waxa uu Maxkamadda horteeda ka qirtay Dembiga lagu soo oogay, isago sheegay inuu Daroogada u iibinayey si uu u helo 80 EURO oo ah Kharajkii uu ku cusboonsiisan lahaa Waraaqaha Aqoonsiga ee uu ku joogo Jesiiradda Malta.

Maxkamaddu waxay Eedeysane Maxamed Cumar Ciise ku xukumay Xabsi 9 bilood iyo Ganaax Lacageed oo dhan 700 oo EURO