Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay goobtiisa shaqo Dalka Koonfur Afrika

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa xalay Magaalada Cape town ee dalkaas waxaa ay ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa dadka gacansiga ku leh halkaas.

Dad ku sugan Koonfur Afrika ayaa sheegay in dilka Muwaadinka Soomaaliyeed uu ka dhacday deegaan lagu magacaabo Khayelitsha oo hoos yimada Magaalada Cape Town,iyadoon uu u geeriyooday Muwaadinkaas rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee Jirkiisa.

Allaha u naxariistee Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdifitaax oog,isla markaana waxaa uu kamid ahaa dadka ganacsiga ku leh dalka Koonfur Afrika.

Kooxihii dhagar-qabayaasha ahaa ee fuliyay dilka Cabdifitaax oog ayaa goobta ka baxsaday,waxaana halkaas gaaray Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrka ,iyagoo sameeyay baaritaano aan wax Natiijio ah ka soo bixin.

Dalka Koonfur Afrika ayaa inta badan waxaa dilal kala duwan iyo boob hati loogu geystaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaas ku leh ganacsiga kala duwan,mana jirto cid arrintaas wax ka qabatay,iyadoo sanadkan gudihiisa lagu dilay dalkaas dhowr qof oo Muwaadiniin Soomaaliyeed ah.