Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Koonfur Afrika

Muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa xalay fiidkii degaan u dhow Magaalada Derban ee dalka Koonfur Afrika lagu dilay, sidda ay Idaacadda Risaala u xaqiijiyeen Ganacsatadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool.

Kooxo burcad ah ayaa la sheegay in weerar ku qaadeen Muwaadinkan oo ku sugnaa irida goobtiia ganacsi, waxaana kooxdan ay ku fureen rasaas, isla goobta ayuuna ku geeriyooday.

Ninka dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Sheekh Xuseen oo Da’diisa lagu qiyaasay 57 sano, iyada oo markii dambe ay halkaasi meydkiisa ka qaadeen Booliska Koonfur Afrika iyo qaar ka tirsan Ganacsatada Soomaaliyeed.

Allaha u naxariistee dilka Muwaadinkan ayaa qeyb ka ah ugaarsiga xargaha goostay ee had iyo jeer lagu naf-gooyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee South Africa u nolol iyo shaqo tagay.

Inta badan dillalka ka dhaca Koonfur Afrika ayaa waxaa loo geystaa Soomaalida ku nool dalkaasi, kuwaasi oo ganacsiyo kala duwan leh, dableyda dilalka geysata ayaanan inta badan suuragelin in gacanta lagu soo dhigo.

Marxuum Sheekh Xuseen ayaa waxaa lagu aasayaa Qabuuraha Muslimiinta ee Magaalada Derban gelinka dambe ee maalinta berri ah, waxaana aaskiisa ka qeyb galaya Masuuliyiin ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed.