Muwaadiniin Somaaliyed Oo laga Soo Masafuriyay Dalka Kanada

Yuusuf Maadeey Maxamed oo ah Aabe leh 4 carruur ayaa la sheegay inuu khatar ugu jiro in loo soo masaafuriyo dalka Kenya, haddii ay Maamulayaasha Kanad taageeraan Amarka lagu masaafurinayo.

Waxa uu shalay codsaday in loo oggolaado inuu sii joogo Kanada, balse Saraakiisha Hay’adda Adeegga Xuduudaha Kanada (CBSA) ayaa horey u amray Masaafurintiisa, kadib, markii uu ku guul-daraystay Rafcaan uu ka qaatay arrntaasi oo maalintii Jimcaha la dhegeystay.

Waxa uu sheegay inuu ka baqanayo in Xabsiga la dhigo haddii lagu celiyo Kenya, isla markaana la kulmo Tacadiyo ku aadan Dukumentiyada been abuurka ee uu ku dhoofay.

Yuusuf Maadeey Maxamed waxa uu dalka Kanada joogay tan iyo sannadkii 2013-kii, isagoo Kanada  ku soo galay Baasaboor Kenyan ah oo la been abuuray oo uu ku qornaa magaca Faarax Maxamed C/llaahi.

Markii uu tegay Kanada waxa uu guursaday  Haweeney lagu magacaabo Xaliima Ibraahim Cali oo haysata Dhalashada dalka Kanada.

Si kastaba ha ahaatee, Yuusuf Maadeey Maxamed ayaa la qorsheynayaa in maalinta berrito oo Isniin ah la soo zaaro diyaarad geyn doonta Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.