Maxamed Jaamac oo ah Dareewal waday gaari Xamuul oo shil wadareed geystay ayaa la sheegay inuu shalay iskiisa isugu dhiibay Saraakiisha Xabsiga magaalladda MADISON ee Gobalka KOLARAADO.
Maxamed Jamaac ayaa ku eedeysan shil gaadiid badan oo isku dhacay bishii November 21-dii ee sannadkii hore
Shilkaasi waxaa ku geeriyootay 4 qof, halka 11-kalena ku dhawaacmeen.Maamulayaasha magaalladda Madison ayaa sheegay inuu shilkaasi dhacay, xilli uu Maxamed Jamaac oo waday Cagaf- uu ku guul-daraystay inuu u socdo si tartiib iyo inuu ka istaago Gaadiid ka soo baxayey Deegaan u udhismo ka socday.
Dhinaca kale, Xeer-ilaaliyaha Gobalka Madison, TOM GIBBON ayaa sheegay haddii Maxamed Jaamac lagu helo dhamaan Dembiyadda lagu soo oogay inuu Xabsiga ku dhamaysan doono inta ka harsan Noloshiisa.