Muwadiniin Somaaliyed Oo dib loogu Soo Celiyay Muqdisho

Diyaaradii afaraad oo sida mawaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa dalka Sacuudiga ayaa galabta ka soo degtay garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho.

Diyaaradda waxaa ay siday dad gaaraya 123 ruux,kuwaas oo kamid ahaa dadkii ku xayirnaa dalkaasi Sacuudiga,isla markaana uu saameeyay xayiraada dhinaca Socdaalka aoo dowladda soomaaliya kusoo rogtay duulimaadyada Caalamiga ah sababo la xiriira COVID-19.

Soo celinta dadkaan oo maalmihii la soo dhaafay laga soo daad gureynayay dalka Sacuudiga ayaa waxaa uu socdaa muddo todobaad ah,waxaana sidoo kale dhawaan la qorsheynaa in dad kale laga soo celiyo dalalka Kenya, Uganda iyo Suudaan.