Muxuu Ka Yidhi Halyayga Reer Portugal Ee Luis Figo Wararka Ku Aadan In Real Madrid Ay Raaacdo Ugu Jirto Saxiixa Weeraryahanka Bayern Munich Robert Lewandowski?

Luis Figo oo wareysi uu siiyay shabakada “Sky Sports” ee dalka Germany wuxuu kaga hadlay: “Shaki kuma jiro, Lewandowski waa ciyaaryahan heer caalami ah, koox kasta ee ka mid ah kooxaha waaweyn waxay dooneysaa inay hesho saxiixa xidig leh tayadiisa oo kale”.

 

Halyayga reer Portugal ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Ku biirista Robert Lewandowski ee kooxda Real Madrid, maahan go’aan fudud, sababtoo ah wuxuu haatanba ka tirsan yahay mid ka mid ah kooxaha waaweyn ee qaarada yurub”.

Magaca Robert Lewandowski ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Real Madrid, iyadoo warar soo baxayey ay sheegayeen inuu doonayo inuu ku biiro kooxda reer Spain si uu ugu guuleysto Champions League-ga, oo ay Los Blancos labadii xili ciyaareed lasoo dhaafay kusoo guuleysatay.