Muxuu Tabbare Ernesto Valverde Ka Yidhi Guuldaradii Waji Gabaxa Ahayd Ee Kooxdiisa Barcelona Looga Reebay UCL Ee Ka Soo Gaadhay Roma?

Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa isaga oo murugaysan ka soo hor muuqday saxaafada kadib guularadii waynayd ee kooxdiisa ka soo gaadhay Roma kaas oo sabab u noqday in riyadiisii saddexda koob ay soo dhamaatay isla markaana ay Barcelona la soo kulantay mid ka mid ah guuldarooyinkii ugu xumaa.

Ugu horayn Ernesto Valverde ayaa su buuxda garabaha ugu ritay masuuliyada guuldaradii kooxdiisa ku soo gaadhay Olyimpico Stadium wuxuuna si cad u qiray in kooxdiisay ayna wax jawaab ah ka bixin wixii soo gaadhay laakiin waxa uu xusay in marka aad guuldaraysato ay kooxda kaa soo horjeedaa fiican tahay.

 

Ugu horayn Ernesto Valverde oo kulankii Roma ka hadlaya ayaa yidhi: “Anagu wax jawaab ah maanu hayn, wax walba iyaga ayuu u tagay isla markaana anagu waxaanu ku dhibtoonay in aanu dhisno ciyaartayada. Xaqiiqdii aniga ayaa ka masuul ah, aniga ayaa ah madaxa muuqda ee kooxda aniga ayaana sababta lahaa”.

Ernesto Valverde oo ka hadlaya sababtii qaab ciyaareedka kooxdiisu uu u khakhalay ee ay Roma u joojin kari waayeen ayaa yidhi: “Cadaadiskoodu waxa uu nagu qasbay in aanu kubbada si dheer u tuurno, waxaanu noqonay kuwo kala daatay isla markaana waxaanu awoodi waynay in aanu kubbada ku guulaysano”.

Tababare Ernesto Valverde ayaa ku dooday in marka ay kooxi guuldaraysato in kooxda ka soo horjeedaa ka fiican tahay wuxuuna yidhi: “Marka aad guuldaraysato, kooxda kaa soo horjeeda ayaa kaa fiican kadib qiimayntu markasta waa mid xag jir ah, iyagu jidh ahaan ayay u xooganaayeen, anaga dhibaato badan ayaa na haysatay”.

Ernesto Valverde oo niyadjabka jamaahiirta kooxdiisa iyo sida ayu adag tahay in tartankan lagu guulaystaa ay u adag tahay ayaa yidhi: “Xili ciyaareedyadu way dheer yihiin, mana aha wax sahlan in tartan lagu guulaystaa ee hal guulaysi. Waxaanu ognahay sida ay murugu ugu leedahay jamaahiirtayada iyo anaga, waxaanu doonaynay in aanu ciyaarno afar dhamaadka, tani waa kubbada cagta”.

” Hadda qof kastaba tan ayaa saamaysay, waxaanu u baahanahay in aanu ka soo kabsano, sababtoo ah waxaanu haysanaa laba tartan kuwaas oo aanu doonayno in aanu ku guulaysano. Waxaad ka fikiri kartaa iyada oo ciyaartu socotay oo ay kooxda naga soo horjeeday halista qaadanaysay, in uu banaan kuu jiray aad uga faa’iidaysan kartay fursadaha. Anagu marnaba raaxo maanu dareemin waa run.” ayuu Valverde hadalkiisa ku sii daray.

Ugu danbayn Ernesto Valverde ayaa xanuunka guuldaradan ka hadlay wuxuuna yidhi: ” Waa run waa guuldaro xanuun badan. Dhamaantayo waxaanu doonaynay in aanu tartanka ku guulaysano, laakiin mid kaliya ayaa ku guulaysan kara. Maanu samayn laakiin waxaa waajib nagu ah in aanu sii socono, ma jirto wax kale oo aanu samayn karnaa”.

” Waxaa jiri doona kulamo adag oo naga horeeya, laakiin waxaa waajib nagu ah in aanu diirada saarno in aanu guulaysano ee waxa aanu ilaa hadda samayn karno, wali waxba kumaanu guulaysan. Waxaan rajaynayaa in ayna saamayn nagu yeelan laakiin tani si cad ayay dhibaato u tahay”. ayuu Valverde hadalkiisa ku soo xidhay.