Muxuu Zinedine Zidane Ka Yidhi Guuldaradii Qalbi Jabka Ahayd Ee Kooxdiisa Waqtigii Dhamaadka Ciyaarta Ka Soo Gaadhay Espanyol?

Real Madrid ayaa haddaba 14 dhibcood ka hoosaysa kooxda hogaanka La Liga haysa ee Barcelona oo khamiista la ciyaari doonta kooxda Las Palmas laakiin haddii ay kooxda Valverde kulankan guulaysato waxay 17 dhibcood ka sari mari doontaa Madrid oo kaalinta saddexaad u dhici karta haddii ay Valencia guul gaadho.

Haddaba markii ay soo dhamaatay ciyaartii Espanyol iyo Real Madrid waxa uu Zidane garan waayay erayo badan oo uu ku qeexo waxa kooxdiisa qabsaday laakiin waxa uu qiray in ayna kulankan uga qalmin guuldaro iyo guul midna maadama oo ay kooxdiisu soo bandhigtay qaab ciyaareed isku dhaf ah.

Zidane oo garan waayay erayo uu ku sharaxo guuldarada kooxdiisa soo gaadhay ayaa yidhi: “Mararka qaar ma fahmi karaysid kubbada cagta, waxaa waajib kugu ah in aad aqbasho waqtiyada xun. Anagu umaanu qalmin in aanu guuldaraysano ama aanu guulaysano. Kadib shan kulan oo natiijo fiican iyo ciyaar fiican ah, maanta maanu maamulin iyada”.

Zidane ayaa qirtay in waxyeelo ay u gaysanayso guuldaradii ka soo gaadhay Espanyol isaga oo aan cid gaar ah qaladka guuldaradan ku tilmaamin balse ay ahayd wax walba oo ay sameeyeen wuxuuna yidhi: “Anagu umaanu qalmin in aanu guuldaraysano, way ku waxyeelaynaysaa. Espanyol waxay heshay dhawr fursadood, waa natiijo xun, waa wax walba”.

Laakiin Zidane ayaa aaminsan in kooxdiisu ay qaybtii hore si fiican u ciyaaray balse ay qaybtii labaad lumiyeen fursado ay goolal ku dhalin kareen wuxuuna yidhi: “Si aad u fiican ayaanu ku bilaabanay qaybtii hore, waxaanu helnay fursado laakiin maanu dhalin. Maanu helin hanaankyagii ciyaareed ama wax qoto dheeri ah qaybtii labaad’.

Ugu danbayn Zidane ayaa ka hadlay xaaladii ay kooxdiisu goolka guuldarada kula kulantay markii uu Sergio Ramos weerarka keenay si uu kubbadaha madaxa ah u soo galo wuxuuna yidhi: “Markii ay 0-0 ahayd waxaa jiray waxyaabo dhici karayay, markasta waxaanu isku daynaa in aanu guulaysano, dhamaadkii maanu awoodin in aanu samayno. Way ka sii xumaatay, sababtoo ah dhamaadkii way dhaliyeen goolka daqiiqadii ugu danbaysay, waa wax adag dadaada kadib”.

Zidane ayaa hadda diirada saari doona kulanka ay Bernabeu ku soo dhawayn doonaan kooxda Getafe ka hor inta ayna Paris ugu safrin kulanka lugta labaad ee UEFA Champions League wareegiisa 16ka kooxood.