MW JFS Xasan Sh.Maxamuud oo Tababar usoo xiray Dufcada 6aad ee Leyli sarkaal ku qaadatay Dugsiga TurkSom.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tababar usoo xiray saraakiil lagu tababaray Dugsiga Ciidanka ee TurkSom waxaana uu kula dardaarmay in ay ciidanka kusoo kordhiyaan ciidamada ay la shaqeynayaan.

Waxa uu ku bogaadiyay in ay naftooda & waqtigooda Dalka u huraan maadaama ay u dhaarteen in loogana fadhiyo isaga oo intaas ku daray in aanay jirin hadiyad ka weyn in qofka uu naftiisa u hibeeyo Dalkiisa sida uu hadalka u dhigay.

Awood, Caqli & Aqoon usoo korortay ciidanka ayuu ku sifeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud saraakiisha cusub ee dhammeystay Leyliga Sarkaal, Dalka ayuu sheegay in uu kala guur joogo sida looga gudbi karana ay ku xiran tahay ciidanka.

Dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ ayuu sheegay in uu sal u yahay la wareegitaanka Dalka mar haddii ay baxayaan ciidamada howlgalka Kumeel-gaarka ah ee Midowga Afrika ATMIS taasina lagu dhabayn karo in si wadajir ah loola dagaalamo fikir & awood ahaan sida uu hadalka u dhigay.

Xerad TurkSom waxaa lagu tababaraa Askar iyo Saraakiil katirsan Ciidamada Dowladda Federaalka, qaarkood ayaa aqoon kororsi u taga Dalka Turkiga oo macallimiintiisu gacanta ku hayaan Tababarka lagu siiyo Xeradaas.