MW JFS Xasan Sheekh oo digniin u jeediyay ciidamada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ciidamada Dowladda uga digay isticmaalka Balwadda maadaama askarta cusub ee tababarka loo xareeyay shuruudaha lagu soo xulay ay kamid ahayd in uusan wax balwad ah lahayn.

Askarigii kamid ah ciidamada cusub ee buuxiyay shuruudahaas ee lagu arko balcwad ayuu tilmaamay in la eryayo (Ciidanka laga saari doonno), waxa uu sheegay in tababar gaar ah ay qaadan doonnaan muddada ay tababarka qaadanayaan.

Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo jeediyay in gacanta lagu dhigo Dadka balwadda u geeya ciidamada isaga oo ku sifeeyay in ay u adeegayaan ‘AS’ isla markaana ay jecel yihiin ama danaynayaan in ciidama jab wayn gaaro waa sida uu hadalka u dhigay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxa ay sheegtay in ay xoogga saartay la dagaalanka balwadda waxaana xeryaha ciidanka iyo difaacyadooda si joogta ah u taga xubnaha qaabilsan wacyigelinta ciidanka.