MW JFS Xasan Sheekh & Safiirka Imaaraatka ee Soomaaliya oo kawada hadlay Xiriirka labada Dal

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay Danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta Axmed Juma Al-Rumaythi iyaga oo kawada hadlay xoojinta xiriirka labada Dal & Arrimaha Amniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Danjire Axmed Juma waxa ay si qoto-dheer uga wadahadleen kaalinta Dowladda Imaaraatka Carabta ka qaadanayso qorshaha lagu garab istaagayo in Soomaaliya ay xoojiyo Amniga lana wareegto mas’uuliyadda saaran.

Danjiraha Isutagga Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in Dowladdiisa ay ka go’an tahay garab-istaagga Dowladda Federaalka si ay uga caawiyo hirgelinta himilooyinka u degsan sida uu hadalka uu hadalka u dhigay.

Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ka garabsiiyay bixinta dhaqaalaha ku baxa ciidamada gaarka ah ee sugaya Amniga Magaalada Muqdisho halka macallimiin iyo Saraakiil Amni ay ka joogaan Caasimadda.