MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta lagu wado inuu la kulmo William Ruto

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa in uu la kulmo dhiggiisa Kenya William Ruto oo ay kawada hadlayaan howlgalka Midowga Afrika, Iskaashiga labada dhinac & arrimo kale.

Dowladaha deriska ah ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa markale wax iska weydiinaya heshiisyo horay ay uwada galeen oo inta badan quseeya Amniga, Ganacsiga iyo wadashaqeyntooda sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Kenya waxa ay door firfircoon ku leedahay howlgalka haatan gabagabada ah ee Midowga Afrika loona soo gaabiyo ATMIS, waxaa Dalka ka jooga Ciidamo billowgii hore Soomaaliya kusoo galay in ay kahortagayaan weerarrada ‘AS’ inkasta oo markii dambe howlgalkii AMISOM lagu daray.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saartay sida uu noqon karo howlgalka cusub ee AUSSOM ee baddelaya kan haatan kumeel-gaarka ah ee loona soo gaabiyo ATMIS oo gabi ahaan joogsan doonnaa wixii ka dambeeya 31ka Deseembar 2024.